Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha dhexe

10

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jowhar.

Deegaanada uu fatahaada ka geystay wabiga Shabeelle ayaa kala Baareey, Mareerey, Kuukaay, Maandheere, Xawaadley iyo Bayaxaaw, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Hirshabelle Maxamed Bashir Qasim Daqare.

“Ka maamul ahaan dadaalo badan oo biyo xireeno ayaa sameynay, hadana wabiga oo biyo badan keenay iyo roobabka Guga waxuu karkaarada ka jabsaday wabiga deegaano badan oo horay looga sameeyay biyo xireeno, hadana wali waan wadna dadaalo, Jowhar gudaheeda waxa jirtay laba xaafad ay kasoo baxeen biyaha waana ku guuleysanay inaan xirno” ayuu yiri Wasiir Daqare.

Fatahadahan uu wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaanadaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa kusoo aaday, maalmo yar uun kadib marki ay heyโ€™adda Maareynta masiibooyinka Qaranka Soomaaliya iyo heyโ€™adda OCHA ee Qaramada Midoobay ka digeen, suurtagalnimada daadad iyo fatahaado ka dhasha roobka Guga iyo wabiyada Jubbada Shabeelle.

Si kastaba ha ahaatee magaalooyinka Baledweyne iyo Buula burte ayaa ka mid ah meelaha haatan sida weyn looga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo wabiga Shabeelle oo haatan keenay biyo aad u farabadan. Iyadoo dadka degan magaalooyinkaan aysan wali kaso kabsan khasaaraha fatahaadii hore.