Baaq nabadeed oo lagasoo saaray colaadda ka taagan beelo kasoo jeeda Puntland iyo Galmudug

8
Baaq nabadeed ayaa lagasoo saaray colaadda ka jirta gobolka Mudug, taasoo u dhaxeysa labo beelood oo kasoo kala jeeda koonfurta Mudug (Galmudug) iyo degmada Galdogob (Puntland)

Masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo isugu jira xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa ka qeyb galay gunaanadka shir lagu xoojinayo  xabbad joojinta labada beelood.

Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Macalin Fiqi iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Fardowso Cusmaan Cigaal oo kala matalayay labada beelood ayaa qeyb ka ahaa dadaalada nabadeed ee lagu xoojinayo in colaadda lasoo afjaro.

Bayaanka kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay, in la xoojiyo xabbad joojintii horey loogu dhawaaqay. Waxaana la isku raacay in la isugu yimaado gogol nabadeed asbuuc gudihiis, taasoo ay marti galinayso beesha Sacad ee uu kasoo jeeda wasiir Fiqi.

Si kastaba, Labada beelood ayaa waxaa ka dhex taagan colaad salka ku haysa lahaanshiyaha deegaanka, waana mid soo noqnoqotay  oo uu dhiig badan ku daatay, welina xal rasmi ah lagama gaarin.

Sanadkii 2020 ayaa gogol nabadeed oo la dhigay degmada Galdogob waxaa lagu gaaray heshiis nabadeed oo lagu kala qaatay magaha qaar kamid ah dadkii loo dilay aanooyinka qabiil ee ka dhashay colaadda ka dhex tagaan labadan ee deriska ah.