War cusub oo kasoo kordhay dhaqaatiirta Cuba ee lagu haystay Soomaaliya

5

Dowladda Cuba ayaa la xiriirta Mareykanka, iyadoo waydiisatay inuu xaqiijiyo war kasoo baxay Al-Shabaab oo ah in labo dhaqtar oo u dhashay dalkaasi inay ku dhinteen duqeyn horaantii sanadkan ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández, ayaa laga soo afduubay magaalada Mandheera ee dalka Kenya 12-kii April, 2019

Sida ay sheegtay Al-Shabaab, labadan dhaqtar ayaa lagu dilay weerar ay degmada Jilib ka fuliyeen ciidamada Mareykanka 17-kii February. Illa hadda dowladda Mareykanka kama aysan jawaabin codsiga Cuba ee xaqiijinta inay labada dhakhtar ku dhinteen howlgalka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba waxay sameeyeen dadaallo badan si ay u bad baadiyaan labadan dhaqtar. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in duqeynta Mareykanka ay ku dhinteen, ma jirto wax daba-gal ah oo lagu sameeyay noloshooda iyo geeridooda minda.