Ergey ay soo dirtay dowladda Finland oo soo gaaray Muqdisho

5

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadinta Nabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Mudane Suldaan Saciid Axmed.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimadda gaarka ah u leh, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dhinac inay iska kaashadaan hindisayaasha nabadda iyo xasilloonida.