Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Ansixinta Dastuurka waxay noqon doonta mid lagu shubto”

7

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ayaa si adag uga hadlay markale wax ka badalka Dastuurka.

Xildhibaan Warsame ayaa kulul u dhaliilay guddoonka Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya oo uu sheegay in dano gaar ah ay ku badalanataan sumcada iyo kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Xildhibaanka ku sheegay in waxa socda aysan aheyn wax ka badal Dastuur oo ay tahay sameyn Dastuur cusub, isagoo sidoo kale sharci daro ku tilmaamay qaar ka mid ah fadhiyadii Baarlamaanka uga dooday wax ka badalka Dastuurka.

“Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo, iyadoo lagu soo derayo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 qodob iyo 26 faqradood.Dhammaystir miyaa mise beddelaad? “Kalfadhi kasta ee Baarlamaan wuxuu ku guntamaa kooram 139 xildhinaan Golaha Shacabka ah, 28 Aqalka sare, haddii ay isku imaanayaan labada aqal waxaa laga rabaa 167. Doodaha dastuurka ee socda labo fadhi oo keli ah ayaa kooram loo helay, ka dibna waxaa la yiri kooram looma baahna ee hore ha loo socdo” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Xidhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in ansixinta Dastuurka ay noqon doonto mid lagu shubto iyadoo aan la helin tirada xildhibaanada ansixin lahayd, isagoona tusaale u soo qaatay in ciyaar garsooraha iyo ciyaartoyga ay hal qof isku yihiin la sii ogyahay natiijadeeda.

“Ansixinta Dastuurka waxaa loo baahan yahay saddex dalool labo oo ah 220 Xildhibaan oo labada aqal ee Baarlamaanka isku raacaan. Maadaama aan la helaynin tiradaas, waxaa beddelkeeda lagu ansixinayaa farriin fiidiyow lagu soo duubay, ama qoraal lagu soo diray adigoo maqan. Xiiso ma laha ciyaar garsooraha iyo laacibka hal qof isku yihiin, sababtoo ah natiijadeeda ayaa la sii ogyahay. Ma dheera maalinka ay qoomamayn doonaan guddoonka Baarlamaanka ee danaha yar dhaafsiisanaya sumcadda iyo kalsoonida Baarlamaanka iyo Xildhibaannada ballanqaadyada sugaya.”ayuu qoraalkiisii ku soo gabagabeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Si kastaba ha ahaatee arintaan wax ka badalka Dastuurka ayaa waxaa si weyn u diidan Xildhibaano, Senataro, siyaasiyiin caan ah iyo Madaxweynayaal hore