MW Hore Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Garowe

9

Madaxweynihii hore ee Soomaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland .

Madaxwene Deni iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Hore Farmaajo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe oo ah caasimada Puntland .

Ujeedka socdaalka ee Garowe madaxweyne hore Farmaajo ayaa salka ku haya khilaafka xoogan ee ka dhaxtaagan waxkabadalka dastuurka oo ay Puntland iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Farmaajo ay diidan yihiin.