liiska Golaha Wasiirada Puntland oo la filayo in galabta lagu dhawaaqo

45

Madaxtooyada Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo saarto saacadaha soo socda liiska cusub ee Golaha Wasiirada Puntland.

Mudda 30 cisho ah oo Baarlamanka Puntland ugu daray Madaxweyne Deni in uu ku soo dhiso Xukuumadda cusub ayaa ku eg maanta oo ku beegan 28 February 2024.

Wararka ayaa sheegaya in Golaha Xukuumadda cusub uu ka ballaaran yahay kii hore islamarkaana lagu soo kordhiyay wasaarado cusub kadib markii la kala qaaday qaar ka mid ah Wasaaradaha Puntland .

Golaha Wasiirada cusub ee Puntland ayaa lagu wadaa in ay ka soo dhex muuqdaan Golihii hore iyo shakhsiyaad saameyn ku leh Siyaasada Puntland iyo tan soomaliya .

shacabka Puntland ayaa si weyn uga dhursugaya liiska cusub ee Golaha Wasiirada Puntland kuwaas oo ay ka qabaan rajo wanagsan .