Shirkadda Qatar Airways oo ka hadashay shil ay diyaaraddooda ku gali lahayd hawada Soomaaliya

12

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa Axadii ka badbaaday shil ay hawada ku wada gali lahaayeen diyaaradda Itoobiya Airline.

Maxamed Al-Sheiban oo ah duuliyaha diyaaradda Qatar Airways, ayaa xaqiijiyay sida diyaaradda Qatar Airways ay uga badbaaday shilkaas, isagoo sheegay in shaqaalaha diyaaraddu ay maareeyeen khatarta uga imaan lahayd diyaaradda ay leedahay Itoobiya, sababo la xiriira qalad dhinaca hagista hawada ah oo ka dhacay Soomaaliya.

Duuliye Al Shiban ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X” ku sheegay in nidaamka TCAS ee lagula socda waxa ka dhacaya agagaarka diyaaradda, uu digniin deg deg ah kasoo saaray gudaha qolka diyaaradda Qatar.

Digniintaas ayaa ku wargalisay duuliyaha inuu diyaarada kuwado joog hoose si looga fogaado suurtagalnimada inay isku dhacaan diyaaradda Itoobiya.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay shirkadda Qatar Airways ayaa sheegay, in hawshan ay si habboon u maareeyeen duuliyeyaasheeda caalmiga ee u shaqeeya, kuwaas oo ay sheegtay inay u tababaran yihiin dhacdooyinka kediska ah ee ku qabsada hawada sare.

“Qatar Airways waxay si weyn u maalgashataa nidaam  hubinaya in duuliyayaasheenna aadka u tababaran ay si badbaado leh ugu shaqeeyaan diyaaradahayaga dhex maaxaya hawada isku dhafan ee adduunka oo dhan,” ayuu yiri afhayeenka shirkadda Qatar Airways.

Shirkadda Qatar Airways waxay ka gaabsatay in ay ka hadasho eedeymaha loo jeediyay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan in maamulka hawaada Soomaaliya uu diyaaradda Qatar siiyay awaamiir halis galin karay.