Soomaaliya oo walaac ka muujisay khatarta ka dhalan karta weerarada Xuutiyiinta ee maraakiibta mara Badda Cas

8

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Ambassador Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa ka dhawaajiyay walaaca ay Soomaaliya ka qabto khatarta  weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta mara Badda Cas, isagoo carrabka ku adkeeyay saameynta ballaaran ee ay ku yeelan karto Soomaaliya iyo ammaanka gobolka.

Ambassador Jibriil Cabdulle waxa uu tilmaamay muhiimadda istiraatijiyadeed ee Soomaaliya u leedahay ganacsiga badda, isaga oo is barbar dhigay howlgallada  burcad-badeedda iyo khataraha hadda ka imaanaya falalka Xuutiyiinta ee Badda Cas.

“Carqaladeynta ganacsiga caalamiga ah ee weerarrada Xuuthiyiinta waxay saamayn daran ugu leedahay dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Jibriil Cabdulle, isagoo hoosta ka xariiqay suurtagalnimada kororka argagixisanimada iyo burburinta dhaqaale ee gobolka.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa muujiyay suurtagalnimada in ay Al Shabaab ka helaan hub iyo saanado militari oo sharci darro ah Xuutiyiinta ku sugan badda cas.

Waxa uu tilmaamay in khatarta Al-shabaab ay kor u kacayso sababo la xiriira kara taageerada ay ka heli karaan Xuutiyiinta, taasi oo sii hurin karta xasiloonida gobolka, caqabadna ku noqon karta dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo argagixisada iyo burcad-badeedda.