Fiqi oo la kulmay madaxda hay’adda nabadda iyo xalinta khilaafaadka

7

Kulan isbarasho iyo is xog wareysi ah ayaa maanta waxaa uu dhex maray Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi iyo xubno sare oo ka socday hay’adda PRINCIPLES FOR PEACE (P4P) FOUNDATION oo ka shaqeysa howlaha nabad-dhiska iyo ka hortagga ismaandhaafka.

Xubnaha Wasiirka la kulmay waxaa ka mid ahaa marwo; Hibo Qasaas oo ah Agaasimaha fulinta ee hey’adda iyo marwo: Khadiijo Cali Cosoble oo ka tirsan maamulka sare ee hey’adda, wuxuuna mudane Fiqi aad usoo dhoweeyay in ay ka howl billaabaan Soomaaliya.

Hay,addaan ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in ay ku daahfurto caasimadda Muqdisho barnaamijkeeda ku aaddan mabaadi’da nabadda iyo xalinta khilaafaadka.