Faahfaahino kasoo baxaya nin ganacsade ah oo lagu dilay Muqdisho

9
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil galinkii dambe ee Shalay loogu geystay nin ganacsade ahaa Suuqa Seybiyaano ee magaalada Muqdisho.

Dilka ganacaanadaha ayaa la sheegay iney geysteen gabar goob ganacsi ku ag laheyd marxuumka la dilay iyo walaalkeed, kuwaas oo la tilmaamay in dilka ganacsanadaha ay u adeegaadeen Toorey.

Alle ha u naxariistee ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cabdiraxmaan oo loo yaqiinay Biriq, waxaana dilkiisa uu yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo gabadha ganacsatada ah ee la dariska aheyd goobtiisa ganacsi.

“Gabadha iyo Walaalkeed oo isla socda ayaa dagaal ku billaabay ganacsadaha la dilay, waxayna ku dileen Mindi oo dhowr meel ay uga dhufteen marxuumka” ayuu yiri qof goob jooge ahaa.

Qaar ka mid ah ehelada ganacsadaha la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in la hayo labada eedeyaane oo ay ku jiraan gacanta booliska ay ku jiraan ayna sugayaan in cadaalad u helaan dilka wiilkooda, islamarkaama ay aasi doonin meydka ilaa cadaalad ay ka helaan.

Dilalka noocaan ah ee argagaxa leh ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay Muqdisho, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Muqdisho lagu gubay Luul Cabdicasiis oo aan wali meydkeeda la aasin uu ku jiro Firinjeer, waxaana dilkaas ku eedeyaan ninkeedii oo lagu magacaabo Sayid Cali Macalin Daa’uud.