Muxuu Farmaajo ka yiri falkii shalay lagula kacay Sheekh Shariif?

16

Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa ka dhiidhiyay falkii shalay lagula kacay madaxweyne hore, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib markii is hortaag lagu sameeyay hadal uu ka jeedinayay baarlamaanka.

Shariif ayaa khudbaddiisa laga joojiyay warbaahinta dowladda oo xilligaas toos u tabineysay kulanka wadajirka ah ee labada Gole.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Farmaajo ayaa u qornaa sidatan;-

Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadal jeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinka dib u eegista Dastuurka ee haatan socda oo aan awalba ahayn mid loo dhan yahay, dood badanna ka taagan tahay habraacii lagu ansixiyey, waqti ka khataro badan intii hore lagu jiro, haddana in xildhibaannadii ka aragti dhiiban lahaa la carqaladeeyo waxay muujinaysaa qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dalkeennu maanta waxa uu wajahayaa halis la xiriirta jiritaankeenna iyo qarannimadeenna, taas oo lagu wajihi karo midnimo iyo wadajir, sidaas awgeed waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu ka soo noqda wadiiqadan khaldan, ilaaliyana dhaxalka dowladnimada ee heshiiska lagu yahay.