Gollaha ammaanka ee QM oo ka shiray xaaladda Soomaaliya

8

Waxaa shalay dowladaha Gollaha amaanka shir gaar ah ka yeesheen xaalada Soomaaliya iyo faragelinta dowlada Itoobiya ee madax banaanida dalka.

Ergayga QM ee Soomaaliya Catriona Laing (Katriyona Ling) ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysay ka jeedisay shirka oo ay kasoo qeybgaleen safiirada 15ka wadan ee xubnaha ka ah Gollaha amaanka.

Catriona Laing ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay guulo badan ka gaartay arrimaha deyn cafinta, qaadista xayiraada hubka iyo ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika iyo sidoo kale dagaalka Al-Shabaab.

Waxay xustay inay jiraan caqabado dhowr ah dhanka amniga, dhamaystirka dastuurka iyo siyaasadda oo khilaafyo ka jiraan, kuwaasoo hadii aan xal laga gaarin si deg deg ah sababi kara dib u dhac hadafka dowladda ee sanadkan oo la qorsheeyay in Al-Shabaab dalka oo dhan laga saaro.

Catriona Laing ayaa sheegtay in QM ka walaacsan tahay xiisada u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo fursad u noqon kartoma Al-Shabaab inay ku qoroto dagaalyahano badan islamarkaana ku qaado weeraro goobihii dhawaan laga saaray.

Golaha amaanka ayaa ku baaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya wadahadal ku dhameeyaan xiisada ka dhex ka taagan ee ka dhalatay heshiiska aharci darada ee lagu boobayo badda.

Wuxuu Gollaha amaanka sheegay in lama taabtaan ay tahay madax banaanida dalka Soomaaliya waxaan ugu baaqay dowlada Itoobiya inay ilaaliso kana fogaato wax walba oo abuuri kara colaad dhexmarta labada dal.

Shirka ayaa sidoo kale laga jeediyay warbixin la xiriirta Laascaanood oo degan xaaladeeda tan iyo markii laga saaray Somaliland sanadkii hore waxaana loogu baaqay labada dhinac inay isdhaafsi maxaabiis ay sameeyaan.

Catriona Laing ayaa ugu dambeyn ku baaqday in lasii daayay shaqaalaha QM iyo dadkii kale ee la socday diyaaradii helicopter ka ee bishii January ku dhacday degaan Al-Shabaab maamusho oo katirsan Galmudug.