Kenya oo diiday inay furto xadka ay la wadaagto Soomaaliya

11

Ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika sanadkii tagey ayaa aad looga soo dhaweeyay dalalka gobolka geeska afrika, iyadoo Kenya ka caga-jiidayso furista xuduudaheeda, taasoo cabaqad ku noqonaysa is-dhexgalka shacabka wadamada xubnaha ka ah ururka dhaqaalaha.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu ogolaaday in ay xubin ka noqoto Bulshada bariga Afrika 24-kii Nofembar, kadib markii uu dhammaaday Shir-madaxeedka ka dhacay magaalada Caruusha, ee dalka Tanzania kaasoo uu ka qeybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Uganda ku saxiixday heshiis ka mid noqoshada ururka, bishii December 15-keedii.

Tani waxay ka dhigan tahay in ay haysato ilaa Juun si ay u buuxiso shuruudaha harsan.

Horumarkii ugu dambeeyay ayaa hadda ka dhigan in Soomaaliya ay ku sii dhowaaneyso inay si buuxda u noqoto xubinta sideedaad ee EAC, iyadoo ku biiraysa Tanzania, DR Congo, Burundi, South Sudan, Uganda, Rwanda iyo Kenya.

Sida laga soo xigtay xoghaynta EAC, ku biirista bulshada waxay u sahlaysaa Soomaaliya inay ka faa’iidaysato mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee gobollada sida waddooyinka, jidadka tareenada, iyo shabakadaha tamarta.