Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa

13

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa gaaray magaalada magaalada Addis ababa ee caasiamadda dalka Itoobiya.

wasiir Cali Balcad ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shirka 44-aad ee waddamada midowga Afrika, kaas oo looga hadli doona xaaladda guud ee Qaaradda iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha jira.

Kahor inta uusan ka bixin magaalada Muqdisho hadal uu siiyay warbaahinta dowladda waxa uu ku sheegay in damaca Itoobiya uu la mid yahay waddan heshiis la galay gobol dal kale ayna jirin cid ku garab istaageyso gardarrada ay waddo.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto hadba tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta oo jawaab u ah.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan oggolaan doonin wax dhex-dhexaadin ah illaa ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheeggii ay la gashay Muuxe Biixi