Dowladda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay damaca Itoobiya

14

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in damaca Itoobiya uu la mid yahay waddan heshiis la galay gobol dal kale ayna jirin cid ku garab istaageyso gardarrada ay waddo.

Wasiirka oo u warramayay warbaahinta dowladda ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto hadba tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta oo jawaab u ah.

Wasiir Cali Balcad ” Tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganto ayaan qaadi doonnaa”

Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo dabacday halkii uu taagnaa damaceeda gurrcan Soomaaliyana ay usoo dirtay ergo caalami ah iyo mid gobolka ah si heshiis looga gaaro arrinta badda, wuxuuna sheegay in aysan oggolaan doonin wax dhexdhexaadin ah illaamaa ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheeggii ay la gashay Muuxe Biixi.