Hoobiyayaal lagu qaraacay suuqa baraakaraha oo geystay khasaare dhaawacyo ah

9

Dhowr hoobiye ayaa goor dhowayd ku dhacay suuqa baraakaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka dhasheen khasaare dhaawacyo ah.

Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay xarumo ganacsi xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dad badan oo ka adeeganayay. Muuqaallo lagasoo duubay goobta ayaa lagu arkayay dad dhaawac ah oo dalbanaya caawimaad.

Weli lama oga in ay dadi ku dhinteen. walow isbitaalada loola cararay dad qaba dhaawacyo culus oo kasoo gaaray hoobiyaasha ku dhacay suuqa Bakaaraha.

Guud ahaan suuqa Bakaarahaha ayaa albaabada loo laabay, Lamana oga cidda ka dambeysa hoobiyayaasha, inkastoo magaalada Muqdisho aanay ku cusbayn hoobiyayaasha oo awal u badnaa dhinaca ay ku badan yihiin xarumaha dowladda.

Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyayaasha.

Laamaha amniga ee booliiska ayaa hadda bilaabay baaritaan ku aaddan halka lagasoo ridayo hoobiyayaasha.