R,W,ku xigeenka oo la kulmay xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho

17

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay kulanka siyaasadda loo dhanyahay ee u dhaxeeya Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardar-gelin lahaa, loogana miro dhalin lahaa qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee siyaasadda loo dhan yahay.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa madasha la wadaagay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi-socodka dowlad dhiska dalka, caqabadaha jira iyo qorshaha dowladda ee sanadkan 2024. Isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada horumarinta ee saaxiibbada caalamiga ah ay  siiyaan Soomaaliya.