War cusub oo kasoo kordhay ninka baxsadka ah ee gubay xaaskiisa

9

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa war cusub kasoo dhacdadii argagaxa lahayd ee ka dhacday Muqdisho, taas oo uu nin la sheegay inuu maseeray ku gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd.

Yabooh ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha uusan haatan ku sugneyn magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isaga oo xusay in uu joogo gobollada dhexe.

Sidoo kale wuxuu beeniyay in ninkaasi uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, balse uu ku baxay safar dhinaca dhulka ah.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud uu Xamar ka baxay maaln kadib markii uu dhibka gaystay, isla markaana mar dambe la ogaaday.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in laamaha amniga ay sameeyeen dadaal xoogan, welina uu socdo baaritaanka lagu hayo eedeysanaha, si loo soo qabto.

Si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa dhaliyay carro xoogan, waxaana weli cadaalad dalbanaya ehellada marxuumadda oo sheegay in aan la aasi doonin inta laga soo qabanayo ninka gubay, waxaa sidoo kale arrintaan si kulul uga hadlay baarlamaanka Soomaaliyeed