Sayid Aadan oo booqday xero ay baneeyeen ciidamada Itoobiya + Sawirro

14

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Ciidanka ee Madhamaato oo ay dhawaan ka guureen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS.

Xeradan oo ay la wareegeen Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubaland ayuu Madaxweynahu warbixin la xiriirta ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada ee la wareegay xeradan oo ay in mudo ah daganayeen Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasocday dalka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay inay laba jibaaraan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ay ka wadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.