DF oo shaacisay sababta ay diyaaradda Ethiopian Airline uga celisay Hargeysa

9

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa Hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airline oo ku socotay Magaalada hargeysa.

Ujeedka loo celiyey Diyaaradda ayaa ah inaysan haysan wax fasax ah oo ay ku marto hawada dalka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.

Diyaaradda oo siday wafdi Itoobiyaan ah ayaa ugu dambeyntii dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa oo ay markii kasoo duushay.

Halkan hoose ka akhriso:-