Aqalka Cad ee Mareykanka oo war kasoo saaray heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

9

Aqalka Cad ayaa u arka walaac amni qaran ah is-afgaradkii dhawaan dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, sidaas waxaa sheegay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Mareykanka Talaadadii. Laakiin khubaradu waxay su’aal galiyeen sida ay uga go’an tahay Washington iyo awoodda ay u leedahay inay dejiso xiisadda gobolka ee kacsan.

Labada dhinac ayaa heshiiskan saxiixday 1-dii Janaayo. Waqtigaas, afhayeenka dawladda Itoobiya, Redwan Hussein ayaa sheegay in heshiiskan “sidoo kale uu waddada u xaarayo helitaanka saldhig ciidan oo ay kireeystaan badda cas.”

John Kirby, oo ah agaasimaha isgaarsiinta istaraatiijiga ah ee Golaha Amniga Qaranka, ayaa VOA u sheegay in Washington ay la shaqeyneyso saaxiibada gobolka – oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo siddeed xubnood oo ka tirsan urur-goboleedka IGAD – si ay uga hortagto heshiiska is-afgaradka ah ee aan heysan sharciyadda, kaas oo dowladda Soomaaliya ay u aragto sharci darro.

“Runtii waa dhibaato,” ayuu yiri Kirby, isagoo raaciyay: “Sida aan marar badan sheegnay, waxaan taageereynaa madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waana in la ixtiraamaa.”

Kirby ayaa sheegay in xaaladdani ay ka dhigan tahay walaac amni qaran, waxaana uu sababta ku sheegay inay dhiirri gelin karto maleeshiyada Al-Shabaab, oo ku sheegay inay muddo dheer ahaayeen cadawga ugu weyn ee dagaallada sokeeye ee Soomaaliya ka socda.

“Waxa aan si gaar ah uga walaacsanahay waa in heshiiskan [Heshiiska Is-afgaradka] ee Itoobiya iyo Somaliland ay dhawaan kala saxiixdeen inay halis gelineyso dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka oo aan anagu ee ka dhanka ah Al-shabaab,” ayuu yiri. Kirby, isaga oo intaas ku daray

“Al-shabaab waxay weli gobolka ka tahay khatar argagixiso, shaki la’aan, ma aaminsanin in gobolka uu qaadi karo colaad hor leh.”