Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee Soomaaliya oo digniin u jeediyay dowladda Itoobiya

16

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan taageerada iyo garab istaaga ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya dadaalkeeda ilaalinta madax bannaanida, iyo midnimada geyiga Soomaaliya.

Bayaanka ay soo saareen ayaa waxay si adag uga soo horjeesteen heshiiskii is- afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxay sheegeen heshiisku inuu xad-gudub ku yahay madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay sheegeen inuu ka dhigan yahay jebinta axdiga Qaramada Midoobay, AU iyo IGAD.

“Waxaan si adag u garab taagannahay Soomaaliya dagaalka ay ugu jirto ilaalinta qaranimadeeda. Waxaan u digaynaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, anagoo ku boorinayna inuu si deg deg ah u joojiyo siyaasadiisa gardarrada iyo daandaansiga ah ee uu ku hayo dhulka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen siyaasiyiinta.

Waxay ugu yeereen Ra’iisul Wasaare Abiye Axmed inuu ka shaqeeyo dhismaha buundooyinka isku xira labada ummadood oo uu ka waantoobo in uu dib u huriyo cadaawad soo jireen ah iyo siyaasad kala qaybsanaan.