Waxgaradka iyo Ganacsatada degmada Baardheere oo soo Bandhigey Qorshaha Dib u dhiska Buundada Baardheere.

18

Qeybaha kale ee duwan ee Bulshada  ku dhaqan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ,sida Odoyaasha,Maamulka degmada,Ganacsatada iyo Gudiga Horomarinta degmada Baardheere ayaa shir jaraa,id oo ay maanta ku Qabteen goobtii ay ku taaley Buundadii duntey, waxayna sheegeen in ay diyaariyeen Qorshahii lagu dhisi lahaa Buundada iyo Gudigii uruurin lahaa Dhaqaalaha lagu dhisayo Buundada.

Qaar ka mid ah Xubnahii ka Hadley dhismaha Buundada ayaa sheegay in ay ka go,an tahay Qorshaha dib loogu dhisayo Buundada oo duntey muddo haatan laga joogo ilaa 3 bil,waxayna carabka ku adkeeyeen Baahida loo qabo dhismaha Buundada oo muhiimad gaar u leh nolosha dadka deegaanka iyo Gobolada Dalka.

Dhinaca kale Gudiga ayaa ku dhawaaqey in degmada Baardheere dadka degan loo qorsheeyey bixinta lacag dhan Hal milyan oo dolar,taasoo qeyb ka ah Dib u dhiska Buundada.

Geba gebada kulanka waxaa ka Hadley Faarax Cabdi Nur Turbac oo ah G/ku xigeenka degmada Baardheere waxuuna si weyn u soo dhaweeyey Qorshaha dib loogu dhisayo Buundadii Baardheere iyo Gudiga loo magacaabay Dhaqale uruurinta.