Markab xamuul ah oo ay saarnaayeen 15 Hindi ah oo lagu afduubay meel u dhow Soomaaliya

17
Markab nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo ‘MV LILA NORFOLK’ ayaa goor dambe oo xalay ah laga afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada badda Hindia, ayaa si aad ah isha ugu haya markabkan la afduubtay, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Jimcihii maanta.

Markabka ayaa waxaa saaran 15 Hindi ah, waxaana lala sameeyay isgaarsiin ay la leeyihiin shaqaalaha markabka.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, xogta markabka lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya ayaa la helay fiidnimadii Khamiista. Waxaa intaa dheer, diyaaradda ciidamada badda Hindiya aya ilaalinaya markabka.

“Ciidanka badda Hindiya waxaa ka go’an inay xaqiijiyaan badqabka maraakiibta ganacsiga ee gobolka oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidamada Hindia.

Afduubashada Markabkan ayaa kusoo beegmay, iyadoo horey kooxaha burcad badeedu ay u afduubteen Markab iyo dhowr doonyood oo kalluumaysi, kuwaas oo lagu haysto meelo katirsan biyaha Soomaaliya.

Burcad badeedda ayaa dalbaday malaayiin dollar oo madax furasho ah, iyadoo haatan lagusoo waramayo inuu wadahadal u socdo burcad badeeda iyo mulkilayaasha mid kamid ah maraakiibta lagu haysto xeebaha Soomaaliya.