Baarlamaanka Carabta oo diiday xadgudub kasta oo ka dhan ah Soomaaliya qaranimadeeda

20
 Baarlamaanka waddamada Carabta ayaa diiday heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen, iyagoo ku tilmaamay faragelin ka dhan ah arrimaha gudaha ee Soomaaliya,

Bayaan kasoo baxay baarlamaanka Carabta, ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya, lana ilaaliyo xeerarka iyo mabaadi’da deris-wanaagga.

Baarlamaanka Carabta ayaa Itoobiya ugu baaqay inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadi’da deris wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Si loo helo amni iyo xasilooni ka dhalata gobolka. Baarlamaanka Carabta ayaa carabka ku adkeeyay in amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xurmeynta qaranimadeeda ay tahay qeyb ka mid ah amniga qaranka Carabta.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay ku garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinka sharciyeed ee ay ku ilaalineyso xasiloonideeda iyo qaranimadeeda.