Baarlamaanka cusub ee Puntland oo maanta lagu wado in la shaaciyo

14

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland, oo  uu maanta waajibaadkoodu ku eg yahay, ayaa lagu wadaa inay shaaciyaan liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Puntland.

Arrimaha aadka indhaha loogu hayo waxaa kamid ah, in liiska ay kasoo dhex muuqan doonaan 17-ka xildhibaan ee kasoo jeeda SSC- Khaatumo, kuwaas oo lagu eedeynayo inuu madaxweyne Deni isagu soo xushay.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa shalay isku khilaafay in liiska xubnaha SSC lagusoo daro shaacinta. Qaar kamid ah xubnaha guddigan ayaa ku taliyay in laga reebo liiska, tan iyo inta heshiis laga gaarayo.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkaysanaya in doorashada lagu gali doono 66 xildhibaan, isagoo sheegay in SSC- Kaatumo ay qeyb ka tahay hannaanka doorashada Puntland.

Deni wuxuu guddiga ku caddaadinayaa inay xubnaha SSC kusoo daraan shaacinta liiska.

Dhinaca kale, maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay adkeeyay go’aankoodii ahaa in aysan qeyb ka ahayn doorashada Puntland, waxayna sheegeen in aysan matalin  cid kaste oo ka qeyb qaadata doorashada Puntland.