Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida shixnad gargaar ah u dirtay Jalalaqsi

7
default

Iyadoo laga jawaabayo xaaladda adag ee ka jirta degmada Jalalaqsi iyo Tuulooyinka ku xeeran ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA waxa ay duleedka magaalada Muqdisho ka ambabixisay markii labaad Gaadiid sida shixnad  gargaar ah oo safar dhanka dhulka ah ku tagaya Degmadaas.

Gargaarkaan oo ah Shixnad Gargaar raashin ah ayaa dhan 30 gaadiid ah, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool  gudaha degmada Jalalaqsi iyo tuuloyinka xeeran oo nolol adag wajahaya kadib markii Fatahaad magaladaas uu ka gaystay Wabbiga Shabeelle

Maalin ka hor ayeey aheed markii hay’adda SoDMA ay dooni sida shixnad gargaar ah u dirtay Deegaanada Jubbaland,  waxaana sidoo kale xusid mudan in gadiid kuwaan lamid ah oo sida gargaar badan ay hay’adda todobaadkii hore ay u dirtay Magaalada Mahadaay.