Dad ku dhintay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

29

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay toogasho Maanta oo Axad ah ka dhacay Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen Booliska dalkaas oo ku baxay.

War kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in khilaaf soo kala dhex-galay dhalinyaro ku sugneyd Dukaan kuyaalla qayb kamid ah Jaamacadda Minnesota ee loo yaqaano Dinkytown ay sababtay inay is rasaaseeyaan, waxaana ku geeriyooday laba dhalinyaro ah.

Booliska ayaa waxaa ay weli wadaan baaritaannada la xiriira toogashadaas, iyada oo mid ka kamid ah Shaqaalaha dukaanka oo dhaawac uu soo gaaray loo qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada Minneapolis.

Weli lama shaacin jinsiyadda iyo magacyadda labbada qof ee dhintay iyo qofka dhaawaca ahba, hayeeshee Ganacsatada Magaalada Minneapolis ayaa arrintaan walaac xoogan ka muujiyay.