Maamulka Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray Ammarka Kaamirooyinka loogu xiraayo Ganacsiyada

21

Dhawaan Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya waxaa ay Ganacsatada Muqdisho ku amreen inay Goobahooda Ganacsi ku xiraan Kaamirooyinka wax duuba ee CCTV, sigaar ah Albaabka hore ee Banaanka si loo helo hadii ay wax ka dhacaan.

In kastoo uu amarkaasi ka dhaqan galay meelo badan oo kamid ah Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale jira Ganacsiyada qaar oo aan weli u hoggaansamin ammarkaas, kuwaas oo Goobahooda Ganacsi xiray.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Goobo ganacsi oo kuyaalla degmada Dharkeenleey ay u xiran yihiin sababo la xiriira in aysan u hoggaansamin Ammarkii hay’adaha Amniga ee ahaa in Goobaha Ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay inay ka qeyb qaadaneyso sugida amniga Muqdisho, isla markaana ujeedada laga leeyahay ay tahay in dabagal lagu sameeyo falkalka amni darro ee dhaca, isla markaana fulinta amarkaan uu culeys ka imaanaayo.

Dhowrkii habeen ee la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa qarxiyay Goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho, kuwaas oo u hoggaansamay ammarkii Hay’adaha Amniga ee ahaa inay ganacsigooda ku xiraan Kaamirooyinka