Puntland oo sheegtay in doorashada madaxweynaha lagu galayo qof iyo cod

34

Wasiirka warfaafinta ee maamul goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku adkaystay inay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah bisha January ee 2024.

Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garowe, isagoo sheegay in ay diyaariyeen wax walba oo lagu qaban lahaa doorashada kusoo wajahan Puntland.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa u muuqda mid looga jawaabayay siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, kuwaas oo ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu doonayo inuu sameysto muddo kororsi.

Hadalka wasiirka waxaa uu kusoo beegmayaa, xilli magaalada Boosaaso maalintii shalay lagu doortay labo guddoomiye degmo iyo labo ku xigeen, iyadoo wasiirka arrimaha guduhu uu waxba kama jiraan ku tilmaamay labada doorasho.

Maantayna iyadoo la adeegsanayo awood ciidan, mid kamid ah guddoomiyayaashii la doortay ayaa si rasmi ah xilka loogu wareejiyay, xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay doorashadii dhacday.

Madaxweyne Deni, 90 maalmood ayaa uga harsan tahay muddo xileedkiisa, wuxuuna muddo ku dhow labo bilood ku maqan yahay dalka dibbadiisa, iyadoo musharraxiinta mucaaradkana ay bilaabeen ololaha doorashada madaxtinimada.