Shir looga hadlayo Xaaladaha Bani’aadanimo ee dalka, oo ka Fumay Magaalada Baydhabo

36

Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ah Koonfur Galbeed waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed .

Shirkaan waxaa ka qeybgalay,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed  Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee dalka, Xasilinta goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo Xaalada El-Niño ee wadankeena ku soo wajahan,waxaana daahfurkiisa Ra’isulwasaare saalax ku wehliyey ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed ahna guddoomiye ku xigeenka Koobaad.