Faahfaahino kasoo baxaya diyaarado dagaal oo duqeymo ka geystay gobolka Gedo

35
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay Xalay duqeymo ka geysteen deegaano dhowr ah oo ka tirsan degmada Ceel waaq.

Deegaanada ay diyaaradaha duqeymaha ka geysteen ayaa kala ah Faxfax dhuun, Ceel cadde iyo Khadiijo xaaji oo dhamaantood ah deegaano hoostaga degmada Ceel waaq ee gobolka Gedo.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaan oo loo badinayo iney fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya, kuwaas oo inta badan duqeymo noocaan oo kale ah ka geysta deegaanada gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Duqeynta ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dadka deegaanadaas oo u badan Xoolo dhaqato, kuwaas oo inta badan waxyeelo dhimasho iyo dhaawac kasoo gaarto duqeymaha ay halkaas ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka dowladda kenya.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ka dhacay deegaanada ka tirsan Ceel waaq.

Duqeynti ugu dambeysay ee dyaaradaha Kenya ay ka geystaan gobolka Gedo ayaa dhacday, 21-kii bishii lasoo dhaafay ee Septembar, waxaana ku dhintay 5 ruux oo ay ku jireen hooyo iyo canug yar oo ay dhashay.