Somaliland oo sheegtay in uu hoos u dhacay ganacsiga suuqyadeedu

9

Xukumada Somaliland ayaa sheegtay in uu jiro hoos u dhac ku yimid ganacsiga, kadib hakad galay ganacsigii Wajaale iyo kii bariga.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, oo kulan la qaatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ganacsiga xooluhu uu aad u wanaagsanyahay, lakiin ganacsiga suuqyadu uu hoos u dhacay.

“Ganacsiga xooluhu wuu fiicnaa sannadka, roob badana wuu da’ay, xooluhuna way inoo caafimaad qabaan, xoolo badan ayaa dhoofay, lakiin waxa uu ganacsigeenu uu aad ugu xidhnaa ganacsihii Wajaale mari jiray kaasi oo uu hada hakad ku yimid, waxa inoo soo raacay kii bariga laftiisa” ayuu yidhi Shire.

Gubashada suuqii waynaa ee Waaheen iyo dagaalka Laascaanood ayaa dhaawacay dhaqaalaha Somaliland, hadana dhawaan waxa uu dab waxyeelo wayn soo gaadhsiiyay suuqa wayn ee Wajaale, kaasi oo uu dhaqaale badani kasoo gali jiray Somaliland.

Wasiirka oo golaha kala hadlay dajinta miisaaniyada sannadka 2024, ayaa sheegay in dhaqaale badan loo qoondayn doono difaaca Somaliland iyo doorashooyinka.