Magaalada Baardheere oo ay ka dhacdey Dibad bax looga soo hor jeedo Amarkii ka soo baxay Ciidamada Ethopia ee la xariirey Col.Bare Hiiraale.

11

In ka badan Boqol ruux oo isugu jira rag iyo dumar ayaa saaka dibad bax looga soo horjeedo hanjabaada Ciidamada Ethopianka ee ku sugan degmada Dolow ay kula kaceen Col.Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) ayaa waxay ka dhigeen gudaha degmada Baardheere.

Dadka dibad baxa dhigayey ayaa ka careysnaa hadal shaley ka soo yeeray Saraakiisha Ciidamada Ethopia ee ku sugan degmada Dolow ee Gobolka Gedo,kaasi oo Col.Bare hiiraale lagu amrayey inuu ka tago degmada Dolow muddo ku siman ilaa 24 saacadood.

Dibad baxayaasha ayaa ugu baaqey Saraakisha Ciidamada Ethopiyanka ee ku  sugan degmada Dolow,in ay joojiyaan Faragelinta ay ku hayaan Mas,uuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo.