Khilaaf ka dhex-taagan booliska hubka qaata iyo dowladda UK

4

Dowladda Britain ayaa ka codsatay in ciidamada milatariga ay qayb ka qaataan howlihii ay booliiska hubka qaataa wadi jireen kadib markii boqolaal askar booliis ahi ay joojiyeen shaqooyin ay ahayd in ay qaataan qoryo.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii askari ka mid ahaa booliska qaata hubka uu lagu riday xukun ka dhashay dil uu u gaystay nin kasoo jeeda dadka madow.

Qaar kamid ah bulshada kunool dalka Ingiriiska ayaa horay walaac uga muujiyay askarta hubeysan ee mararka qaar dadka dilalka u geysta, kuwaas oo qaarkood xukun lagu ridayn.