Dowladda Soomaaliya oo QM ka codsaneysa qaadista cunaqabateynta Hubka Xilligan Saaran

10

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse cabdi Barre ayaa  shirka golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ka furmaya 19-ka Bishaan dalka Mareykanka horgayn doono isbeddelada Soomaaliya ku sameysay dhimista farqiga, kobaca dhaqaalaha iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qaramada Midoobay ka codsandoono in Soomaaliya laga taageero dib u dhiska ciidameeda qalabka sida, iyo in laga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran, taasoo uu sheegay inay Soomaaliya ka caawinayso in amnigeeda uu hagaago.

Inta uu shirka socdo ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu khubad uu jeedin doono ka sheegi doonaa  in Soomaaliya ay qeyb ka qaadanayso isbeddel iyo dib u habayn lagu sameynayo hay’adaha adduunka sida Qaramada Midoobay.

Shirka golaha Qaramada Midoobay oo dhawaan loosoo gudbiyay qiimaynta wajiga labaad ee bixitaan ATMIS, ayaa lagu wadaa in golaha ammaanku uu qaraar kasoo saaro bixitaanka wajiga labaad ee ATMIS.