Fanaankii caanka ahaa ee Axmed Naaji Sacad oo geeriyoodey Magaalada London

10

Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyooday Fannaankii caanka ahaa ee Axmed Naaji Sacad.

Waxaa uu fanaanka ka mid ahaa xiddigihii ugu caansanaa kooxdii hobolada qaranka ee Waaberi.

Heesihiisa ayaa isugu jiray waddani iyo heeso jaceyl ah oo uu qaaday. Waxaa uu sidoo kale caan ku ahaa tumista qalabka kala duwan ee musiga sida kabanka.

Sidoo kale’ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi  u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Marxuum Axmed Naaji Sacad.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Axmed Naaji Sacad oo magac iyo miisaan ku dhex lahaa bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.