MD Xasan Shekh” Mardhow waxaa la arki doonaa Shaqsiyaad waaweyn oo musuq maasuq Maxkamad loo soo taagay

5

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la dagaalanka musuq maasuqa ee dowladdiisa uusan ku ekayn shaqaalaha hoose ee hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in la arkidoono dhawaan, shakgsiyaad waawayn oo maxkamadda hortaagan, taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay ballanqaadka dowladdiiisa.

“Howshu waa socotaa maalin walbana waxaa loosiii tagayaa lacago dheeri ah iyo meelo ay ku maqan yihiin. Maxkamadda guruubaa hadda taagan, laakiin halkaas kuma dhamaato. Waxaad arki doontaa dad waawayn oo maxkamada taagan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in uusan wax ixtiraam ah lahayn qofka xadaya ummadda xoolahooda. Wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo hantida dowladda oo ay xadeen daaro waawayn uga dhistay waddamada Turkiga iyo Kenya.

Wuxuu madaxweynuhu ka digay in hab qabiil lagu difaaco dadka lagusoo eedeeyay musuqa ee haatan maxkamadayntoodu socoto loona haysto tuhun musuq maasuq.