Maamulka Koonfur Galbeed oo faray shacabka degaanadooda inay isaga fogaadaan xeryaha Shabaabku ku sugan yihiin

7
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay duqaymihii is daba jooga ahaa ee laga fuliyay deegano katirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Alshabaab.

Wasiirka anmniga maamulkaas, Xasan Cabdulkadir Mohamed, ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degaanada Koonfur Galbeed, inay isaga fogaadaan xeryaha ay ku tababartaan Alshabaab iyo meelaha ay ku diyaariyaan qaraxyada.

Wasiirka amniga wuxuu sheegay inay calaamadsan yihiin meelo kale oo laga fulinayo weeraro dhulka ah iyo duqeymo. Wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay maamulka lasoo wadaagaan xogta meelaha Shabaabku ku dhuumaalaysanayaan.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay inay mamnuuceen la macaamilka Alshabaab, isagoo tilmaamay in maamulku tallaabo adag ka qaadayo cid kaste oo lagu helo inay la macaamisho Alshabaab.

Wuxuu sheegay in dhawaan wajiga labaad ee howgalka ka dhanka ah Alshabaab uu ka bilaabandoono koonfur Galbeed. isagoo xusay inay ka go’an tahay in Alshabaab laga ciribtiro degaanada maamulkooda.

Shalay ayay ahayd markii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanayay saaxiibada Caalamka ay howlgal qorshaysan oo ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeeen deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan Shabeellada Hoose.

Weerarkaas ayaa lagu dilay 18 dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, sida saraakiil ka tirsan ciidanka ay u xaqiijiyeen Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda.