Wareysi:Xuseen Biikoole oo sheegay in ay wadaan Qorshayaal Wadooyinka bur bursan la saari doono laami ah.

17

Xuseen Maxamed Cabdile(Biikoole) oo ka mid ah Qurba joogta ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka iyo Galgaduud ee degan Dalka Ingiriiska ayaa Guddi uu ka mid yahay waxay dadaal ugu jiraan siddii Wadooyinka Burbursan ee Goboladaasi looga dhigi lahaa wadooyin laami ah.

Biikoole oo iminka ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Wareysi uu siiyey Radio Markabley Baardheere ,gaar ahaan Wariyaheena Axmed Cumar Saalixi  ayaa ugu horeen waxaa uu weydiiyey halka laga helayo  Kharashaadka ku baxaya Dhismaha Wadooyinka la saarayo Laamiga,waxaana uu yiri.

“Marka hore howshan in ay tahay md dan guud oo Dadka deegaanadaasi ku nool Qof kastaaba laga doonayo inuu kaga qeyb qaato dhismaha wadooyinka danta guud lacag dhan$5 Dolar si isku tashi ah,ka dibna Qurbajoogta ka soo jeeda Goboladaasi ay ballan qaadeen Muruq iyo Maal in ay kaga qeyb qaataan Dhismaha Wadooyinka Danta guud oo dhan.

Howshan lagu dhisayo Wadooyinka Laamiga ah in kulamo looga hadlayo in ay ku kala qabteen Dalka gudahiisa iyo dibadiisa, dhamaan dadkii ka qeyb galey kulamadaasi ayuu sheegay in ay  soo dhoweeyeen ,islamarkaana Qaarkood ay ku yabooheen dhaqaalo.

Dhismaha wadada ugu horeysa ayuu sheegay in ay ka bilaabi doonaan wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Baardheere iyo Baladxaawo,isagoona Rajo wanaagsan ka muujiyey suurta gelinimada howlahaasi oo ahmid Balaaran u leh Bulshada ku dhaqan Goboladaasi.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA Mr.BIIKOOLE