Somaliland oo sheegtay in lasoo weeraray ciidamadeeda ku sugan Sool

6

Somaliland ayaa sheegtay in isbahaysi argagixiso ah, maleeshiyaad, iyo ciidamada Puntland ay soo weerareen ciidamadeda ku sugan gobolka Sool.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida Sool.

“Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland waxay si xoog ah u cambaaraynaysa talaabada gardarada ah ee doqoniimada ah, ee ay saaka ku kaceen maleeshiyaadka Laascaanood, ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Waxa warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay talaabadan u aragto mid khatar ku ah amniga, waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay si geesinimo leh iskaga difaaceen weerarka, isla markaana ay burburiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday.

Somaliland beesha caalamka ayay ugu baaqday in ay kala qaybgasho cambaaraynta wax ay ugu yeedhay weeraro argagixiso, iyada oo sheegtay in dagaalka argagixisadu u baahanyahay iskaashi.

SSC-Khaatumo wali dhankeeda kama hadal dagaalka saaka, sida BBC Somali sheegtay 4 qof oo rayid ah ayaa saaka ku nafwaayay madaafiic kusoo dhacday qaybo kamid ah magaalada Laascaanood, xili uu dagaal ka socday bariga magaalada.