Agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheikh Maxamuud oo shaaciyay inuu iska casilay xilkiisii

7

Agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya, Xuseen Sheikh Mxamuuud, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu iska casilay xilkiisii uu hayay tan iyo laga soo billaabo 23 May, 2022.

Qoraal uu kusoo qoray boggiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu xilka uga tagay, kaddib markii uu xoogeystay dareenkiisa ku saabsan xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana uu dhegaystay tallooyinka shacabka iyo siyaasiinta kasoo jeeda degaanka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay, in Koonfur Galbeed ay u baahan tahay hoggaan leh lexjeclo, aqoon, ammaano, waayo-aragnimo iyo damiir ummadeed una horseeda deegaankaas horumar dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo mid bulshaba leh.

Agaasimihii madaxtooyada wuxuu sheegay inuu sii wadi doono ka qeyb qaadashada dadaallada dowlad dhiska, gaar ahaanna sidii ay Koonfur Galbeed u heli lahayd is-beddel loo aayo si nabad iyo dimuqraadi ahna ku yimaada.

Wuxuu sheegay reer Koonfur Galbeed in uu uga baahan yahay inay garab ku siiyaan inuu hormuud ka noqdo sidii reer Koonfur Galbeed ku heli lahaayeen hoggaamin leh sinnaan, caddaalad, karti iyo ammaano dhinac kasta ah.

Si kasta ha ahaatee, Xuseen Sheikh Maxamuud ayaa sida hadalkiisa ka muuqata iyo xogaha aan helayno waxay sheegayaan inuu u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waana sababta ugu weyn uu xilka isaga casilay.

Doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa loo ballansan yahay bisha January ee  2024, inkastoo heshiiska golaha wadatashiga qaranku uu dhigayo in doorashooyinka madaxwey-nayaasha dowlad goboleedyada la qabto bartamaha sanadka soo socda ee 2024.