Puntland oo sheegtay inay jiraan Odayaal la Shaqeeya AS oo beelaha isku dira

33

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa Shir-gudoomiyey Shirka Gudiga Amniga Gobolka Mudug oo looga hadlay xaaladihii Amni iyo dhacdooyinkii u dambeeyey ee todobaadka.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka iyo Saraakiil ayaa qayb ka ahaa Shirka.

Kulan oo saacado socday waxaa la isla qaatay qodobadan
1- Xoojinta La dagaalanka  waxa loogu yeero Argagixisada

2 Raadinta iyo soo qabashada Gacan ku dhiiglayaasha Fakaday ee dilalka gaysta.

3- Adkayta Amniga guud ee Gobolka Mudug si gaara Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa sheegay inay jiraan Odayaal Dhaqan oo la Shaqeeya Ururka Al-Shabaab, hayeeshee ka maamul ahaan ay tallaabo cad ka qaadi doonaan.

Hadalkan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay colaad Beeleedyo ay ka dhacayeen degaano katirsan Gobolka Mudug.