(SAWIRRO)Wafdigii uu hogaaminayey Maxamuud Sayid oo si heer sare ah loogu dhaweeyey Degmada Baladxaawo

48

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo,Maxamuud Sayid Aden oo ah  Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa galabta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdigan oo maal mahii la soo  dhaafey Booqasho ku marayey degmooyinka Gobolka Gedo ayaa horey u soo marey degmooyinka Luuq iyo Dolow,halkaasi oo ay kulamo kale gedisan ay kula yeelanayeen Mas,uuliyiinta degmooyinkaasi iyo Saraakiisha Ciidamada iyo weliba Waxgaradka degmooyinka.