(SAWIRRO)Beelweynta Digil iyo Mirifle ee degmada Baardheere oo kulan Balaaran ku yeelatey Degmada oo soo saarey War murtiyeed

62

Kulan Balaaran oo Maanta ay isugu yimaadeen Boqolaal ka mid ah Odoayaasha,Dhalinyarada,Haweenka,Culimada ,Aqoon yahanada iyo Waxagaradka Beelaha Digil iyo Mirifle ee degmada Baardheere ayaa ujeedadiisu ahayd mid lagu gunaanadayey kulamo kale duwan ee looga tashanayey Maseerka iyo Aayaha Beesha.

Qodobada ka soo baxay Kulamada u soconayey Beel weynta Digil iyo mirifle ee degta Gobolka Gedo,gaar ahaan degmada Baardheere oo gunaanadkii lagu shaaciyey War murtiyeed ka kooban dhowr Qodob ayaa waxaa ka mid ahaa

Dhamaan Xubnahii ka Hadley kulanka ayaa waxay si buuxda u bogaadiyeen go,aanada ka soo baxay kulamadooda,waxayna Beelweynta Digil iyo Mirifle u soo dhoweyneysaa Maamulka Cusub ee Jubaland u dhistey Gobolka Gedo .

Beelweynta Digil iyo Mirfle waxay tabasho xoogan ay ka qabtaa dhismahii hore ee Maamulka degmada Baardheere oo ku dhisnaa Cadaalad daro,waxay taageraysaa in la de dejiyo dhismaha Golaha deegaanka si looga baxo Cadaalad darada.

Beesha waxay ka Codsanaysaa Madaxweynaha Jubaland iyo ku xigeenkiisa nay si hoose u eegan Tabashada Beesha ee Cadaalad darada dhanka Maamulka ee ka jirta degmada,islamarkaana loo sinaado Xaquuqda Shaqo siinta iyo Arimo kale.