Dawlada Soomaaliya oo bilawday dadaalo lagu xalinayo khilaafka kala dhexeya Puntland

6

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadalo la xiriira sidii hadal ay ula geli lahayd Maamulka Puntland, sida ay Warbahintaa Risaala u xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoom yahay .

Dawlada Federaalka ayaa walaac ka muujisay war dhawaan ka soo yeeray wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo dalbaday  in la hakiyo Hannaanka Deyn cafinta Soomaaliya , inta laga Xalinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeya Madaxada  Puntland iyo Dawlada Federalka Soomaaliya Heshiisna laga gaarayo Khilaafkaas.

Wararka ayaa sheegaya  in Madaxyooyada Soomaaliya ay wado dadaalo xalk loogu raadinayo Tabashada Puntland ay ka qabto Dawlada , sidoo kalenaVilla Soomaaliya  ay bilaabay in ay xiriiraan  Madxda Maamulka Puntland iyo siyaasiyiin  si loo dhammeeyo khilaafka Taagan.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaya in deg deg  loo bilaabo wada-hadalka labada dhinac, si heshiis siyaasadeed looga gaaro khilaafka Puntland kala dhexeya Madaxtooyada Soomaaliya , islamarkaana looga baaqsado in uu fashilmo barnaamijka deyn cafinta dalka.

Ma jira Ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Puntland eek u aadan in ay la soo xiriireen Xubno ka socda Madaxyooyada Soomaaliya si xalka looga gaarao khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya.