Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday taliyihii gadoodsanaa ee ciidanka Danab Kornayl Jimcaale

6

Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday taliyihii gadoodsanaa ee ciidanka kumaandooska Puntland ee Danab, Kornayl Jimcaale Jaamac Takar.

Kornayl Jimcaale ayaa ah sarkaalka hoggaaminaya ciidamada mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada iyo furitaanka dastuurka Puntland.

Xil ka qaadiddiisa waxay qeyb ka ahayd wareegtooyin badan oo xalay goor dambe kasoo baxay madaxtooyada Puntland, kuwaas oo isugu jiray xil ka qaadis iyo magacaabid.

Madaxweyne Deni ayaa xilkaan u magacaabay G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire, oo la sheegay inuu kamid ahaa saraakiisha horey ulasoo shaqeeyay kornaylka lagu beddelay ee Jimcaale.

Lama oga sarkaalka xilka laga qaaday inuu aqbali doono xil ka qaadiddiisa. inkastoo sarkaalkan iyo ciidamadiisu ay isku magacaabeen ciidamo madax-bannaan oo la magac baxay Danab.

Tallaabadan uu qaaday madaxweyne Deni waxay kusoo beegantay, iyadoo weli ay taagan tahay xiisad colaadeed oo ka dhex jirta madaxweyne Deni iyo Kornayl Jimcaale.

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa dhawaan Garowe kula dagaalamay ciidanka Puntland. Haatan weli ciidankiisu waxay ku sugan yihiin xero ciidan oo lagu magacaabo Ligle oo kutaala duleedka Koofur Galbeed ee magaalada Garowe.

Waxay ku jiraan ciidan urursi. Isagoo habeenno ka horna ay ku biireen maleyshiyo beeleed ka yimid howdka gobolka Nugaal.