Faah Faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal ka socda Magaalada Garowe

13

Dagaal  u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo Ciidamo  taabacsan Siyaasiyiintaa mucaaradka ayaa hadda ka socda magaalada Garowe.

Dagaal u dhexeeya ciidanka Dawlad goboleedk Puntland iyo  kuwa taabacsan mucaaridka ayaa bilowday, iyada oo uu socdo fadhiga Baarlamanka oo looga hadlayo furits dastuurka

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka culus, wuxuuna xooggiisa ka socdaa bartamaha magaalada gaar ahaan aagga barlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada mucaaradku ay duqaynayaan xarunta baarlamaanka, halkaas oo uu baarlamaanku ku sugan yahay, ugana socoto doodda dastuurka.

Wararka ayaa sheegaaya in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka u dhexeya Ciidamada Puntland iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, balse lama oga khasaaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka..