Hay’adda caafimaadka adduunka oo sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay weerarkii Pearl Beach

10

Shaqaale u shaqeynayay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii hotel Pearl beach ee ku yaalla xeebta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida uu sheegay madaxa hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay,  Tedros Adhanom.

“Aad ayaan uga xumahay inaan xubin ka tirsan WHO ku weynay weerarkii ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya,” Tedros Adhanom Ghebreyesus, agaasimaha guud ee WHO, ayaa sidaas ku sheegay bartiisa twitter-ka.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qof kasta oo waayay qofka uu jeclaa.”Waxaan cambaareyneynaa dhammaan weerarrada ka dhanka ah rayidka iyo shaqaalaha bini’aadantinimada.” ayuu yidhi Tedros.

Weerarkii ka dhacay xeebta Liido ayaa hoosta ka xarriiqay amni darrada weli ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, xilli Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii Alshabaab looga sifayn lahaa dalka.

In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyooday weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho. Alshabaab ayaa ka dambeeyay weerarkan, iyagoo adeegsanayay koox hubaysan oo muddo saacado ah ka dhex dagaalamayay hotelka gudihiisa.